Baardheere: Wasiirka Waxbarashada Jubbaland oo dhagax dhigey Mashaariic Horumarineed

0
145

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Waxbarashada dowlad goboleedka Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim ayaa manta gaarey magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Wafdiga Wasiirka waxaa ku weheliyay Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirka Waxbarashada,Hidaha iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya sidooo kale waxaa safarkooda weheliyay Xildhibaanno ka tirsan labada gole,Agaasimayaal heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Waxbarashada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Baardheere iyagoona halkaasi u tagay howlo shaqo.

Soo dhaweynta ka dib Wasiirka Waxbarashada Jubbaland iyo Mas’uuliyintii ku wehelisey Safarka ayaa si wada jir ah u dhagax dhigey Dugsiga tababarka Macalimiinta Jubbaland oo maanta si rasmi ah looga dhagax dhigey Baardheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here