Xuutiyiinta oo gantaallo ku tuurey gudaha Sacuudiga

0
85

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa sheegtay inay Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga xaqiijiyeen inay 26 qof ku dhaawacmeen Gantaal ay Xuutiyiintu la beegsadeen Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Gobalka Casir.

Gantaalka ayaa la sheegay inuu ku dhacay qeybta loogu talagalay Rakaabka ka soo dega Garoonka.

Isbahaysiga Sacuudiga waxay duqeyntaasi ku tilmaameen inuu yahay Dembi Dagaal iyo inay caddayn u tahay inay Xuutiyiintu hub casri ah ka heleen Dowladda Iiraan.

Dhinaca kale, Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Afka Xuutiyiinta waxa uu saacadihii hore ee saakayto baahiyey inay Gantaal noociisa ahaa cruise missile la beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Sacuudiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here