Dowladaha Cummaan iyo Iiran oo ka hadley Weerarkii Maraakiibta

0
105

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inay badbaadiyeen 44 Badmaaxiin la socotay Labadii Maraakiibta shidaalka ee saakayto qaraxyada ku qabsadeen Badda dalka Cummaan ee loo yaqaano Gulf of Oman.

Guutadda 5-aad ee Ciiddanka Badda ee saldhigooda dhexe ku yaallo dalka Baxrayn waxay iyagana sheegteen inay gurmad u fidiyeen labada Markab ee la weeraray, kadib, markii ay ka heleen qeylo-dhaan gurmad-doon ah.

Sidoo kale, Dowladda Cumaan ayaa ka hadashay dhacdadaasi, waxayna sheegtay in ugu yaraan hal Markab oo nooca Shidaalka ahaa lagu weeraray xuduud-baddeedkeeda Gacanka Cummaan.

Ma kala cadda cidda sida rasmi ahaan u weerartay Maraakiibtaasi, iyadoo mid ka mid ah Maraakiibtaasi lagu sheegay in lagu magacaabo Front Altair, oo ay leedahay Shirkadda Fronrline ee dalka Norway.

Markabkaasi waxa uu ku safrayey Calanka Jesiiradaha The Marshall Islands.

Markabka kale ee lagu magacaabo Kokuka waxaa la sheegay inuu ka soo shiraacday dalka Sacuudiga, wuxuuna ku  sii jeeday dalka Singapore.

Warar aan weli si dhab ah loo xaqiijinin ayaa sheegay in Maraakiibtaasi lala beegsaday miino nooca Bir Labta iyo nooc Gantaal loogu talagalay inuu badda hoosteeda ka duso.

Qiimaha Shidaala cayriin ayaa la sheegay inuu sare u kacay 4.5%, markii la maqlay in maanta qaraxyo lala beegsaday 2 Markab oo waday Shidaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here