Dowladda Kenya oo ka hortageysa Cudurka Ebola

0
95

Dawladda Kenya ayaa walaac xooggan ka muujisay Cudurka Ebola, markii uu ka dillaacay Waddaanka ay deriska yihiin ee Yugaandha.

Madaxa Caafimaadka ee ka howlgala deegaanada xadka Labada Dal Joshua Arusei, ayaa Jariiradda Daily Nation u sheegay in Dad ka badan 300 Qof ay baaritaan mariyeen, kuwaas oo kasoo tallaabayay xudduuda.

Wuxuu sheegay in ay baarayaan dhammaan Dadka kasoo safraya Waddamada Yugaandha, Ruwaandha, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Congo iyo Koonfurta Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here