Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland oo Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlaayey taageeridda barakacayaasha

0
111

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha Jubbaland ayna kasoo qayb galeen xubno ka socday hay’addaha samafalka ah ee ka howlgala gudaha dalka iyo qaar kamid ah masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta Jubblaand ayaa looga hadlaayey sidii wax looga qaban lahaa xaaladda dadka ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Qodobada sida gaarka ah looga hadlay intuu shirku socday ayaa waxaa ka mid ahaa in dadka barakacayaasha ah iyo ku soo laabanaya laga gacansiiyo adeegyada muhiim ah u ah sida falashada beeraha, agabka kalluumaysiga iyo deegaamaysiga taasi oo looga goleeyahay in dadku ay noqdaan ku xasiloon dalkooda islamarkaana ka maarmaan gacansiinta shisheeyaha.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo shirka daahfuray ayaa ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay in dadka barakacay iyo kuwa soo laabanaya loo qorsheeyo sidii looga kaabilaha in ay ka baxaan qaxootinimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here