Wasaaradda Macdanta Jubbaland oo qabatey kulankoodii billa ahaa

0
33

Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa qabatey kulankoodi billa ahaa kaas oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah Hay’adaha samafalka sida GIZ,NRC iyo Hay’adda Care.

Kulanka oo ahaa mid billa ah ayaa  looga hadlayay dar dar galinta wax ka qabashada fatahaadaha biyihii  ka dhashay Roobabkii badnaa ee ka da,ay  deegaaanada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Kulanka ayaa intii uu socdey xoogga lagu saarey xoojinta biyo galinta xaafadaha ay deganyihiin dadka barakacayaasha ee Madiina iyo Midnimo oo ka wada tirsan magaalada Kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka maaamulka degmada Kismaayo Cabdi Maxamed Cabdi Gaab oo qayb ka ahaa kulanka ayaa ka codsaday Wasaaradda inay gacan ka siiso Dadka dan yarta ah ee aan awoodin inay biyo helaan sidoo kalana wax laga qabto saameynta ay dhaliyeen fatahaadaha ka dhashay Roobabkii da’ay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Macdanta,Biyaha iyo Tamarta dowlad goboleedka Jubbaland mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo kulanka furay ayaa sharaxaad ka bixiyay muhiimada kulanka isagoona sheegay in ay wax ka qaban doonaan fatahaadaha ka dhashey Roobabkii ka da’ay qayba ka mid ah deegaanada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here