Milateriga Sudan oo ka xumaaday ficilo horay ay u sameyeen

0
36

Ka dib toban maalmood oo si isa soo taraysa loo cambaaraynayay hoggaamiyeyaasha milatariga Suudaan ayaa sheegay “in ay ka xun yihiin khaladkii ka dhacay” intii ay wadeen hawlgalka ay ku sifaynayeen mudaaharaadayaasha fariisinka samaystay.

Balse waxay u muuqataa in shalaytadaasi aysan gaarsiisnayn heer ay ku ogolaan karaan in la sameeyo baaritaan caalami ah oo madax bannaan.

Taas badalkeedana milatarigu wuxuu sheegay in ay soo bandhigi doonaan baaritaan ay si madax bannaan u sameeyeen, isla markaasna ay xireen qaar ka mid ah askarta.

Mucaaradka iyo qaar badan oo ka mid ah beesha caalamka ayaa ka shakisan in wax la qarinayo.

Waxaa jira dadaalo dublamaasiyadeed oo ay ku lugleeyihiin Maraykanka iyo Midawga Africa si loo gaaro xal siyaasadeed awooddana loogu wareejiyo xukuumad rayid ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here