Xaalad ka taagnayd Beladweyn oo xal laga gaaray

0
34

 Kaddib kulamo is daba-joog ah oo ilaa xalay ka soconayay magaalada Beledweyne ayaa ugu danbeyntii lagu guuleystay in leysu furo guud ahaanba magaalada kaddib markii la soo afjaray xiisadii ka dhalatay dilkii taliyihii qeybta Booliiska gobolka Hiiraan Gaanshaale Dhexe Maxamed Macoow Xalane.

Isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa sidoodii caadiga ahaa ku soo laabtay maanta waxaana gebi ahaan furan wadooyinka waaweyn ee magaalada.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Beledweyne oo kulamo kala duwan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka magaalada gaar ahaan ehelada marxuumka dhintay ayaa ugu danbeyntii ku qanciyay in xiisada la dajiyo lagana wada shaqeeyo nabad-galyo, isaga oo u balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan caadallada loo waafajin doonno kiiska dhimashada taliyaha iyo cid kasta oo ku lug yeelata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here