Qaahira: Maydka Madaxweynihii hore ee Masar oo saaka la aasay

0
253

Maydka Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Mxaamed Mursi Ciisa Al-ayat ayaa la sheegay in Waaberigii hore ee saakayto (Abaarihii 5-tii Aroornimo ee xilliga dalkaasi)  lagu aasay  Qabuuro ku yaalla magaalladda Nasar ee Bariga Caasimadda Al- Qaahira.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in ay xubnaha Qoyskiisa iyo Qareenadooda goobjoog ka ahaayeen Aaskiisa, iyadoo aad loo adkeeyey Ammaanka Guud ee dalkaasi.

Dukumentiyo la arkay oo aan xaqiijin karin oo la soo dhigay Baraha Bulshadda ayaa waxaa lagu muujiyey inay xubnaha Aaska Marxuumka ka qeyb galay ahaayeen Mursi wiilkiisa, Xaaskiisa, Nin isaga la dhashay iyo 2 Qareen.

Mar sii horreysay Dowladda Masar waxay ku gacan sayrtay Codsi uga yimid Qoyska Maxamed Mursi oo ahaa in Marxuumka lagu aaso Deegaanka uu ka soo jeedo, kuna dhashay ee Gobalka Sharqiya ee Waqooyiga dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here