Wasaaradda Dhalinyarada Jubbaland oo kulan dhiirigelin ah u qabatay dhalinyarada xaafadda Midnimo

0
89

Kulan lagu dhiira galinaayey dhalinyarada kasoo jeeda dadka ku barakacay gudaha dalka iyo kuwa dib uga soo noqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa lagu qabtay Xaafadda Midnimo ee duleedka Kismaayo waxaana soo qaban qaabiyay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland.

Guddoomiyaha xaafadda Midnimo Khaliil Cukaash ayaa xusay in ay ku faraxsan yihiin dhiire-galinta dhalinyarada, wuxuuna sheegay in ay jiraan dhalinyaro badan oo shaqa la’aan ah una baahan in loo sameeyo shaqa abuur.

Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Jubbaland Cabdiwahaab Bilaal Axmed oo wax badan ka bidhaamiyey baahiyaha dhalinyarada Jubbaland, ayaa dhalinyarada xaafadda Midnimo u sheegay in la siin doono mudnaanta koowaad.

Guddoomiye ku-xigeenka hay’adda dib u dejinta barakacayaasha Jubbaland Maxamed Sheekh Khadar oo kulanka ka hadlay ayaa dhalinyarada kula dardaarmay in ay aaminaan dalkooda kana digtoonaadaan tahbriibka iyo wax kasta oo naftooda halis gelin kara.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sharraxaad dheer ka bixiyey faa’iidada iyo muhiimada kulanka dhiiragalinta ah u leeyahay dhalinyarada, isaga oo xusay in dhalinyarada dalka ku soo laabtay ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin horumarka iyo dib u dhiska Jubbaland.

Qaar kamid ah dhalinyarada kulanka kasoo qayb galay ayaa u mahadceliyey Wasaaradda Dhalinyaradda Jubbaland ee u qabatay kulanka dhiiri-gelinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here