Wasaaradda Haweenka Jubbaland oo qabatay kulanka looga hadlaayey Xuquuqda carruurta Soomaaliya

0
34

Kulankaan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Jubbaland iyo Wasaaradda Haweenka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lugu qabtay magaalada Kismaayo.

Muhiimada kulanka ayaa ahayd wadatashi ku aaddan xeerka qabyo-qoraalka xuquuqda carruurta Soomaaliyeed kaas oo muddooyinkii dambe ay waday Wasaaradda Haweenka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Wasaaradda Haweenka Jubbaland, xubno ka socday Wasaaradda Haweenka Soomaaliya iyo qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradaha Dowlad-gobaleedka Jubbaland, intii kulanku socday ayaa laga dooday dhamaystirka xeerka xaqdhowrka xuquuqda carruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha Wasaaradda Haweenka Jubbaland Maxamed Xuseen Maxamed oo goobta ka hadlay ayaa sharraxay muhiimadda ay leedahay in carruurta la xaqdhowro

Axmed Cabdisamad Cilmi oo ka tirsan Wasaaradda Haweenka Soomaaliya ayaa iftiimiyey horumarka laga sameeyey dhamaystirka xeerka qabyada ah ee carruurta Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here