Shirka looga hadlayo dabar-goynta Daacuunka oo ka furmay Kismaayo

0
184

Kulan ay kasoo qayb galeen Wasiirro, Xildhibaanno, Odayaal dhaqameed, khuburo dhanka caafimadka ah oo ka kala socday Wasaaradaha Caafimaad heer federal iyo Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo maamulka degmada Kismaayo ayaa lagu qabtay magaalada Kismaayo,

Muhiimadda Kulanka ayaa ahaa wada tashiga qorshaha Istaraatiijayadda xakamaynta iyo dabar-goynta cudurka Daacuunka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu lafa guray sidii loo dabar-goyn lahaa cudurka Daacuunka oo dhibaato badan ku hayo geeska Afrika, siiba dalkeenna Soomaaliya.

Talooyinka la dhiibtay intii shirku socday ayaa waxaa kamid ahaa in dadku helaan biyo nadiif ah, in la helo musqulo dadka ku filan, in ceelasha biyaha laga fogeeyo musqulaha, in bulshada loo sameeyo wacyigelin guud iyo talooyin kale oo muhiim ah

Prof. Khaliif Bille oo ah khabiir dhanka caafimaadka ah ayaa soo jeediyey talooyin muhiim ah oo ku aadan sida loo dabar-goyn karo cudurka Daacuunka.

Guddoomiyaha maamulka degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ku dedaalayaan sidii bulshada degmada Kismaayo loogu wacyigelin lahaa ka qayb qaadashada dabar-geynta xanuunka Daacuunka.

Wasiirka deegaanka iyo Dalxiiska Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi dhanka kalena aqoon wanaagsan u leh caafimaadka ayaa dhankiisa talooyin soo jeediyey.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland Cali Nuur Axmed ayaa dhinacyada kasoo qayb galay kulanka iyo bulshadaba ugu baaqay in ay ka wada qayb qaataan sidii loo dabar-goyn lahaa xanuunka Daacuunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here