Lo’ gaareysa 3-kun oo laga dhoofiyey Dekedda Kismaayo

0
48

Ku dhowaad saddex kun oo neef oo Lo’ ah ayaa maanta laga dhoofiyey Dekedda magaalada Kismaayo, taasi oo laga kala keenay deegaanada Jubbaland islamarkaana baaritaan caafimaad ku martay maxjarka magaalada xoolaha ee magaalada Kismaayo, waxaana lo’daan loo iibgaynayaa dalka Yemen.

Ganacstada magaalada Kismaayo oo kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland ayaa dedaal ugu jira suuqgeynta xoolaha nool ee Jubbaland, taasi oo muhiin u ah sare u kaca dhaqaalaha Jubbaland islamarkaana kor u qaadeysa ka faa’iidaysiga wax-soo saarka dalka oo ay xoolaha nool kamid yihiin.

Agaasimaha waaxda caafimaadka xoolaha ee Wasaaradda Xanaanada xoolaha Jubbaland Cismaan Axmed Xasan ayaa sharraxaad ka bixiyey baaritaanada la mariyo marka xoolaha laga dhoofinayo Dekedda magaalada Kismaayo.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada xoolaha Jubbaland Ibraahim Cabdi Xassan ayaa ka waramay muhiimada ay leedahay in saddex kun oo neef oo Lo’ah laga dhoofiyo Dekedda magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here