Mid ka mid ah ugaasyada Jubbaland oo Kismaayo lagu caleema saaray

0
111

Munaasabaddaan oo ay kasoo qayb galeen Odayaal dhaqameed, qaar kamida ururada dhalinyarada iyo haweenka ayaa lagu caleema saaraayay Ugaas Fu’aad Xaaji Yuusuf oo hoggaamin doona mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee dega deegaanada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Salaadiin iyo Cuqaal magac iyo maamuus ku leh magaalada Kismaayo ayaa munaasabadda hadallo kala duwan ka jeediyey, waxayna la dardaarmeen Ugaaska cusub.

Ugaas Fu’aad Xaaji Yuusuf oo ah Ugaaska la caleema-saaray oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyay ayaa si guud ugu mahad naqay guud ahaan dadkii kaso qayb galay caleemasaarkiisa, wuxuuna ballan qaaday in uu si caddaalad ah uu ugu shaqayn doono dadka hormuudka ka dhigtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here