Ciidanka Jubbaland oo howl-gallo ka sameeyay duleedka Beerxaani

0
50

Cutubyo ka tirsan ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howl-gallo waxa ay ka sameeyeen deegaanka beerxaani oo qiyaastii 50KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Khaalid Sheekh Cabdullaahi oo goob faagaara ah kala hadlay shacabka deegaanka Beerxaani ayaa sheegay in ciidankani yihiin ciidanka Jubbaland ayna halkaan u yimaadeen ilaalinta nabad galyada shacabka iyo in ay ka dulqaadaan dhibaatada ay argagixisadu ku heyso shacabka deegaanka.

Guud ahaan Malleeshiyada Argagixisada Al-Shabaab ayaa isaga cararay deegaanadii ay ciidanka Jubbaland cagta mariyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here