In ka badan 15 Qoraayaal Soomaaliyeed ah oo soo gaaray magaalada Kismaayo

0
71

Waxaa maanta magalaada Kismaayo soo gaaray qaar kamid ah Qoraayaasha iyo Qalinleyda Soomaaliyeed oo ka qaybgelaya bandhigga carwada buugaagta oo la filayo in uu maalinta berry ee Axadda ka furmo magaalada Kismaayo.

Qoraayaashan oo ka kala yimid gobolda kala duwan ee dalkeenna ayaa waxaa goroonka Sayyid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey guddiga qaban qaabinaya carwada bandhiga buugaagta

Maxamed Ibraahim Cali Jeyte Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada carwada bandhigga buugaagta Kismaayo ayaa sheegay in ay ku faraxsa nyiin in Qoraashaasha Soomaaliyeed ee kala yimid meelaha kala duwan ay kala soo qayb galaan Carwo bandhigeedka buugaagta Kismayo oo ay bulshadu ka faa’iidi doonto cilmo badan.

Dr Maxamed Daahir Afrax Guddoomiyaha Akadeemiyad goboleedka afka-Soomaaliga islamarkaana oo ah qoraa iyo xeeldheere suugaaneed iyo qaar kamid ah Qoraayaashii kale ee la socday ayaa dhankooda sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay ka qaybgalaan bandhiga buugaagta Kismaayo ee 2019, waxayna u mahadceliyeen dhalinyarada qaban-qaabisay bandhigga.

Maalinta berri ee Axadda ah ayaa lagu wadaa in uu magaalada Kismaayo ka furmo bandhiga buugaagta oo ah sanadkii 3-aad oo lagu qabto magaalada Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here