Kismaayo: Ciyaaraha Tartanka safarka nabadda oo ka furmay garoonka Waamo

0
70

Ka hor furitaanka tartanka safarka nabadda ayaa garoonka Waamo ee magaalada Kismaayo waxaa lagu soo bandhigey ciyaartoy metelaysa shanta xafadood ee degmad Kismaayo iyo deegaanada Goobweyn, Yoontooy iyo Qaam-qaam, kaddibna waxaa la guda galay daah furka tartanka.

Tartankan ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waana kii ugu horeeyey oo loo qabto xaafadaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada hoostaga.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf Timo Jilic, Guddoomiyaha Xiriirka kubadda cagta Jubbaland Axmed Faarax Taqal Timo Jilic iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Cabdulqaadir Maxamed Faarax oo goobjoog ka ahaa daah furka ayaa ciyaartoyda ku wareejiyey agabkii lagu ciyaari lahaa, kaddibna waxay u jeediyeen hadallo dardaaran ah.

Cabdirisaaq Cabdi Axmed Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta degmada Kismaayo, oo daah furka tartanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiimadda loo qabtay ay tahay xoojinta is-dhexgalka dhalinyarada ku kala nool deegaanada kala duwan.

Abaadir Cabdiraxmaan Guddoomiyaha ururka dhalinyarada degmada Kismaayo ayaa ciyaartoyda iyo dhalinyarada kale ee ka qayb qaadaneysa tartanka kula dardaarmay in ay si wanaagsan uga qayb qaataan tartanka.

4 kulan oo kamid ah tartankaan ayaa lagu ciyaari doono meel ka baxdan garoonka Waamo ee Kismaayo, deegaanka Goobweyn ayaa marti gelin doona qayb ka mid ah kulamada.

Ciyaartii ugu horaysay ee tartanka ayaa lagu daah furay ayaa dhexmartay xaafadahada Farjanno iyo Guulwade, labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u xiiso iyo xamaasad badan, wakhtigii caadiga ahaa ee ciyaarta waxay labada kooxood isla dhaafi waayeen bar-barro gool la’aan ah, markii la isugu soo laabtay gool ku laadka kala baxa ayaa waxaa rigooreyaal kusoo baxday kooxda Farjanno, labada kabtan ee kala watay labada kooxood oo hadlay ciyaarta kaddib ayaa cabiray dareenkooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here