Shir Wadatashi ah oo Kismaayo uga furmay mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed

0
83

Shirweynehan oo magaalada Kismaayo uga furmay Waxgaradka, Salaadiinta, Aqoonyahanada iyo Siyaasiyiinta mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa socon doona mudda 3 cisho ah.

Waxaa shirka ka qayb galay Odayaal dhaqameed, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlad-goboleedka Jubbaland, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo marti sharaf kala timid, dalalka Kenya, Ethopia, Maraykanka, Yurub iyo dalalka Khaliijka.

Shirkaan watashiga ah waxaa lagu lafa-gurayaa masiirka iyo aayaha beesha, waxaana la rajaynayaa in dhamaadkiisa laga soo saaro war-murtiyeed ay ku caddahay natiijada shirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here