Wafdi isugu jira Xildhibaanno, Siyaasiyiin iyo Qurbajoog oo maanta soo gaaray magaalada Kismaayo

0
56

Wafdigaan oo is kugu jira Xildhibaanno Heer Federal ah, Siyaasiyiin iyo Qurbajoog ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle Xassan.

Mas’uuliyiintaan maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Xassan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed, Siyaasi Cabdiqaadir Sheekh Maxamed, Gudoomiyaha Jaaliyadda Jubbaland ee dalka Sweden Naasir Rashiid Isaaq iyo Saynab Cali Xassan oo ka mid ah haweenka Soomaaliyeed.

Wafdigan ayaa magaalada Kismaayo u yimid sidii ay goob joog uga noqon lahaayeen doorashooyinka ka dhacaya Jubbaland iyo sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen howlaha horumarineed ee ka socda Jubbaland.

Siyaasi Cabdiqaadir Sheekh Maxamed, Gudoomiyaha Jaaliyada Jubbaland ee dalka Sweden Naasir Rashiid Isaaq iyo Saynab Cali Xassan ayaa si wadajir ah u bogaadiyey horumarka ballaaran ee ay gaartay Dowlad-goboleedka Jubbaland, waxayna qireen in uu Jubbaland ka jiro amni suggan iyo horumar muuqda, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayey ugu baaqeen in ay faragelinta ka dayso arrimaha Jubbaland.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay faragelin xooggan ku hayso shacabka iyo Dowlad-goboledka Jubbaland, waxuuna xusay in Jubbaland ay ka dhacayso doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay kasoo horjeedaan in khal khal la geliyo amniga iyo wadajirka dadka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here