Wasaaradda Biyaha Jubbaland oo biyo dhaamin u samaysay qaar kamid ah barakacyaasha Kismaayo

0
127

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Jubbaland oo ay wehliyaan qaar kamid ah hawl-wadeenada Wasaaradda ayaa maanta ka qayb qaatay biyo dhaamin ay Wasaaraddu u samaysay qaar kamid ah dadka ku nool xeryaha barakaacaasha ee ku yaalla galbeedka degmada Kismaayo.

Dadkaan la gaarsiiyey biyaha ayaa isugu jira kuwa kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka.

Inkastoo biyaha la gaarsiiyey aysan wada kaafin karin baahida ay u qabaan biyaha ayaa hadana dadkaan waxay noo sheegeen in biyo dhaamintaan lagu soo beegay xilli ay aad ugu baahan yihiin.

Guddoomiyayaasha xeryaha barakacayaasha Buulo Fatuuro iyo Allaah Qabe oo kamid ah goobaha biyo dhaaminta loo sameeyey ayaa u mahadcliyay cid walbo oo gacan ka geystay in biyahaan lasoo gaarsiiyo dadkaan danyarta ah.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Jubbaland Cabdirashiid Maxamed Ducaalle ayaa kormeerka kadib xafiiskiisa ugu waramay warbaahinta, wuxuuna sharraxaad ka bixiyey biyo dhaaminta ay u sameeyeen dadka barakacayaasha ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here