Muqdisho: Rag lagu qabtay hub oo uu baaritaan ku socdo

0
36

Labo nin oo lagu soo qabtay howlgalka ayaa lagu sheegay inay ka tirsan yihiin kooxda al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay doonayeen dilal ay ka fuliyaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Howlgalka ayaa inta uu socday, waxaa kalo gacanka lagu dhigay labo ruux oo iyaguna ka tirsanaa shirkad ganacsi , sida uu sheegay taliska NISA.
“Hawgal ay hay’adaha Amnigu ka fuliyeen bannaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan Al-Shabaab iyo hubkooda, iyagoo  maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka.

Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale  ka ah shirkad ganacsi.” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyay bogga twitterka ee taliska NISA.

Baaritaano dhawr ah ayaa socda waxaana dadkan lagu hayaa xarumaha hay’adda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here