Jaaliyadda KGS ee Kenya oo ka tacsiyeysay khasaarahii ka dhashay weerarkii Hotelka Madiina

0
65

Guddoomiyaha Jaaliyadda Koonfur galbeed ee dalka Kenya Cabdibaarri Cabdisalaam iyo xubno ka tirsan Xisbiga nabadda iyo Caddaaladda oo ka jira deegaanada Koonfur galbeed ayaa booqday xafiiska Jubbaland TV ee magaalada Nairobi, waxayna ka tacsiyeeyeen khasaarahii ka dhashay weerarkii bahalnimada ee ay Argagixisadu la beegsadeen dadkii rayidka ahaa ee ku sugnaa Hotelka Madiina ee magaalada Kismaayo.

Xubnahaan ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna dadka Jubbaland uga tacsiyeeyey khasaarahii ka dhashay weerarkaas, waxayna ku baaqeen in si adag oo xiddiddo siib ah loola dagaalamo kooxaha Argagixisada ah ee banaystay dhiigga dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here