Prof. Gaandi oo Kismaayo ku qabtay tababar lagu baranayo difaacista danaha guud

0
38

Tababarkan oo galay maalintii saddexaad ayaa qaybta maanta waxaa lagu lafa guraayey afar qodob oo muhiim ah, sida Amniga, Caafimaadka iyo Waxbarashada, Dhaqaalaha iyo Beeraha, waxaana tababarka lagu marti qaaday Saraakiisha ciidanka Jubbaland, Aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sida Haweenka, Dhalinyarada iyo Odayaasha dhaqanka.

Tababarkaan oo ujeedkiisa uu yahay sidii bulshada u wada difaacan lahaayeen danaha guud ee ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed, waxaa qabtay Prof. Maxamed Cabdi Cabdi Gaandi oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku jira saaxada Siyaasadda dalka.

Qaar ka mid ah dadkii kasoo qayb galay tababarka difaacashada danaha guud ee bulshada oo goobta hadallo ka soo jeediyey ayaa soo dhoweeyey in bulshada loo sheego waxyaabaha danta guud ee u baahan in wadajir loo wajaho.

Prof. Maxamed Cabdi Gaandi ayaa goobta kasoo jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa, wuxuu ka hadlay waxyaabaha ka dhaxeeya dadka Soomaaliyeed ee loo baahan yahay in ay wada difaacdaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here