Saraakiil ka tirsan Booliska Jubbaland oo tababar loo furay

0
24

Tababrkaan oo loo qabtay qaar kamid ah saraakiisha ciidanka Booliska Jubbaland ayaa waxaa lagu baranayaa sida ay Booliska u ilaalin laahayeen xuquuqda Aadanaha, raacitaanka hannaanka doorashada Jubbaland, ilaalinta sharciga iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Tababarka waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Iinsaanka Jubbaland oo taageero ka helaysa xafiiska xuquuqul Iinsaanka ee Hay’adda UNSOM .

Tababarkaan oo socon doona muddo labo cisho ah ayaa waxaa daah furtay Wasiirka Haweenka Jubbaland Qamar Deeq Khlaiif, waxayna saraakiisha kula dardaarantay in ay ka faa’iideystaan waxa la barayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here