Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Yarow oo soo gaarey Kismaayo

0
121

Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Yarow oo kasoo ki citimay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaraha Sayid Maxamed Cabdulle Xassan ee magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyey Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad-goboleedka Jubbaland, Odayaal dhaqameed, haween iyo dad kale oo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada.

Soo dhoweyn kaddib Ugaaska iyo mas’uuliyiinta soo dhoweysay waxay tageen qaybta nasashada garoonka diyaaradaha halkaasi oo ay saxaafadda kula hadleen.

Ugaas Cumar Xiiray Afhayeenka Issimada Jubbaland ayaa jeediyey hadallo uu kusoo dhowaynayo Ugaaska iyo wafdigiisa.

Wasiirka Caafimaadka Jubbaland Mursal Maxamed Khaliif oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ka qayb qaadatay soo dhoweynta Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Yarow ayaa sidoo kale hadlay.

Ugaas Maxamed Ugaas Xassan Yarow oo ugu horayn ka tacsiyeeyey khasaaraha ka dhashay weerarkii Hotelka Madiina ayaa sheegay in uu kaalin mug leh ka qaadan doono ka shaqaynta midnimada dadka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here