Xukuumadda Soomaliya oo wada diyaar Garowgii ugu dambeeyay ee arrimaha Xajka

0
15

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socday Shirkadaha u adeega Xujeyda Somaaliyeed.

Kulanka u dhexeeyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta iyo Madaxda Shirkadaha ayaa waxaa looga hadlay sidii si wanaagsan loogu adeegi lahaa Xujeyda Somaaliyeed ee Sanadkan u baxaya Xajka.

Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Diinta Dowladda Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuubow ayaa uu sheegay in Wasaaraddu ay wado diyaar garow badan oo ku aadan arrimaha Xajka,isla markaana waxaa uu xusay in dowladdu sanadkaan isbedel ku sameysay waxyaabo badan oo dadka Xujeyda ahi ka caban jireen.

Sidoo kale Cismaan Aadan Dhuubow ayaa waxaa uu tilmaamay in Sanadkan 58 Shirkadood  ay ku tartameen  sidii ay u qaadi lahaayeen Xujeyda Soomaaliyeed,isla markaana ay ku guuleysteen 11 Shirkadood oo kala ah,Daallo group,Al Ikhlaas group, Safa group,Madiina group,National group, New Hope group,Freedom group,Jowhar group,Labaak group,Jubba group,Tadamum group.

Wasaaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaar garowgii ugu dambeyey ugu jirta u adeegidda 11500 oo Xaaji sanadkan,waxayna balan qaaday in ay kormeeri doonta lana xisaabtami doonta Shirkadaha u adeega Xujeyda Soomaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here