Gudiga Doorashooyinka Jubbaland oo kulan la qaatay qaar kamid ah musharixiinta xilka Madaxweynaha Jubbaland

0
81

Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland ayaa kulan la qaatay Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Kulanka labada dhinac ayaa ka dhashay casumaaddii uu guddigu u fidiyey musharaxiinta, waxayna labada dhinac ka wada hadleen habraaca doorashada Jubbaland.

Musharaxiinta ayaa su’aalo ku aadan habaraaca doorashada weydiiyay guddiga, kuwaasi oo ay uga jawaabeen guddigu.

Musharaxiinta guddiga la kulmay waxaa ku jirtay gabar lagu magcaabo Canab Daahir, markii kulanku soo dhamaaday ayey la hadleen warbaahinta waxayna ka warbixiyeen kulanka iyo natiijadiisa.

Guddoomiyaha guddiga Doorashoyinka iyo Xudduudaha Jubbaland ayaa u mahad celiyey musharaxiinta la kulantay ee ajiibay casummaaddii uu fidiyey guddiga.

Dhanka kale waxaa si habsami leh u socoto is-diiwaangelinta musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland, waxaana maanta is-diiwaan geliyey ilaa 2 musharax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here