Wasiirka Dhalinyarada Jubbaland oo faah faahin ka bixiyey shir looga hadlaayey shaqo abuurka dhalinyarada oo lagu qabtay Garoowe

0
39

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad-goboleedka Jubbaland Cusmaan Xuseen Xaaji Fayruus ayaa ka warbixiyay shir looga hadlaayey shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed kaas oo lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad-goboledka Puntland.

Dhamaan Wasiirada Wasaaradaha Dhalinyarada ee Dowlad-goboleedyada ayaa ka qayb galay shirkaas oo lagu lafa guray sidii Dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn lahaa shaqo abuur.

Cusmaan Xuseen Xaaji Fayruus Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad-goboledka Jubbaland ayaa sheegay in shirkaas lagu soo bandhigay qiimeyn lagu sameeyey waxqabadka Wasaaradaha Dhalinyarada ee Dowlad-goboleedyada dalka. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here