Kulamo kala duwan oo maanta ka dhacay Kismaayo iyo IGAD oo qayb ka ahayd

0
121

Magalaada Kismaayo waxaa shalay soo gaaray wafdi ka socday urur goboleedka IGAD kaas oo uu hogaaminayo wakiilka IGAD ee Soomaaliya Dr Mohamed Ali Guyow, ujeedkoodu ahaa sidii ay xog badan uga ogaan lahaayeen halka ay marayaan arrimaha la xiriira doorashada Baarlamaanka Jubbaland iyo tan Madaxweynaha oo lagu wado in dabayaaqada bishan ay ka qabsoonto magaalada Kismaayo.

Ugu horayn wafdiga IGAD waxay kulamo kala duwan la qaateen madaxda sare ee Dowlad-goboledka Jubbaland kuwaas oo uga warbixiyey halka ay wax marayaan, sidoo kale waxay kulan la qaateen guddoonka Baarlamanka Jubbaland iyo guddiyada Baarlamaanka.

Xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed Guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo iskaashiga xiriirka caalamiga ah ee Baarlamaanka Jubbaland ayaa ka warbixiyay kulankii ay wada qaateen iyaga iyo Wafdiga IGAD ka socday.

Sidoo kale wafdiga IGAD waxay kulan la qaateen Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland kuwas oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya sida ay doorashada u socoto.

Axmed Cumar Maxamed Guddoomiye ku-xigeenka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa faah-faahin naga siiyay waxyaabaha laga wada hadleen.

Ugu danbayn waxaa kulmay islamarkaana habsami u socodka howlaha doorashada iska waraystay Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya Baarlamanka cusub ee Jubbaland iyo Wafdiga ka socda Urur goboleedka IGAD Kuwaas oo xogo badan is dhaafsaday.

Ugaas Cumar Xiireey Afhayeenka Salaadiinta Jubbaland ayaa saxaafadda uga waramay sida kulanka u dhacay iyo waxyaabaha laga wada hadlay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here