Jaamacada Kismaayo oo soo dhoweyn u samaysay Ardeyda soo dhamaysay Dugsiyada sare

0
108

Jaamacadda Kismayo ayaa Xaflad soo dhoweyn ah u qabatay Ardayda cusub ee ka soo qalin jabisay Dugsiyada Sare ee magaalada Kismaayo.

Kulanka soo dhoweynta ah ayaa waxa ka soo qayb galay Bahda Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jubbaland,Maamulka Jaamacadda,Aas aasayaashii Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

Maamulka Jaamacadda Kismaayo ayaa Ardeyda u soo bandhigtay Hiigsiga waxbarasho ee Jaamacadda waxa ayna Ardeyda ku booriyeen in ay dalkooda wax ku bartaan maadama Jaamacadda Kismaayo ay fadhigooda ugu diyaarisay waxbarasho tayo leh taas oo ay uga maarmi karaan in ay u safraan dalal kale.

Jaamacadda Kismaayo waxaa la aas-aasay Sanadkii 2005 waxaa ayna soo martay heerar kala duwan,waana Jaamacaddii ugu horreysay ee Kismaayo laga hirgaliyo tan iyo waxii ka danbeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here