Kismaayo: Ilaa 100 Dhalinyaro ah oo ka qalinjabisay Xarunta KTI

0
39

Ilaa 100 Dhalinyaro ah oo baratay xirfadaha ka shaqeynta adeegyada aas-aasiga ah sida Soolarka ayaa maanta ka qalin jebiyey xarunta barashada farsamada gacanta ee KTI.

Xaflad qalin jebin ah oo loo dhigay Ardayda ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ay kamid yihiin Agaasimaha guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed, Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobalka Jubbada Hoose, Wakiillo ka socday Hay’adaha UNDP SESCO iyo  Masuuliyiin kale.

Qaar kamid ah Ardeyda qalin jebisay ayaa xafladda kusoo bandhigay xirfadaha ay barteen ee ay hadda ku shaqayn karaan.

Guddoomiyaha ururka Dhalinyarada gobolka Jubbada Hoose Axmed Maxamed Taqal ayaa sheegay in laga gudbay caqabado badan oo dhalinyarada ka haysta barashada xirfadaha farsamada gacanta islamarkaana la helay xarumo lagu barto inta badan xirfadaha farsamada gacanta.

Agaasimaha Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in Wasaaraddu garab qaban doonto Ardayda qalin jebisay islamarkaana ay la raadin doonaan qalab ay ku shaqaystaan.

Gaba-gabadii xafladda waxaa shahaaddooyin la guddoonsiiyey dhalinyarada baratay xirfadaha farsamada gacanta oo ay kamid tahay farsameynta Soolarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here