Xeer-ilaalinta iyo waaxda dambi-baarista Booliska Jubbaland oo kulan wada qaatay

0
129

Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay kulan looga hadlaayay isku xirka xeer-ilaalinta iyo waaxda dambi-baarista Booliska Jubbaland.

Waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Jubbaland,Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland,Guddoomiye ku-xigeenka Maxkamadda Sare ee Jubbaland iyo qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka iyo ururada haweenka magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa lagu lafa guray habka dambi-baarista iyo u caddaalad sameynta marka ay jiraan dhinacyo ay dacwadi ka dhaxayso.

Waxaa sidoo kale looga hadlay madax-banaanida Gorsoorayaasha iyo in ay noqdaan kuwo dhexdhaxaad ah mararka lagu guda jirka dacwadaha ka dhaxeeya bulshada.

Xeer-ilaaliya guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cismaan oo shirka joobjoog ahaa ayaa sharraxay muhiimadda ay caddaaladdu leedahay, wuxuuna sheegay in Garsoorayaasha looga baahan yahay in ay caddaaladda ilaaliyaan.

Gudoomiye ku-xigeenka Maxkamadda sare ee Jubbaland Nuur Salaad ayaa bogaadiyey qabashada shirkaan diiradda lagu saaray arrimaha caddaaladda iyo garsoorka.

Wasiirka Caddaaladda, Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Sheekh Yuusuf Cumar oo shirka soo xiray ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyadda shaqada Garsoorka, wuxuuna bahda Garsoorka kula dardaarmay in ay Caddaalad ugu shaqeeyaan bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here