Baardheere: Toogasho lagu dilay haweenay isku qarxin rabtay saldhig Booliis

0
104

Ciidamada Dowlad Goboleedka Jubbaland qaybtooda degmada Baardheere ayaa toogasho ku diley Haweeney rabtey inay isku qarxiso saldhigga Booliiska degmada Baardheere.

Haweenaydaan ayaa inta aan la tooganin bam gacmeed ku tuurtay bar kaantarool ay ciidamadu ku sugnaayeen halkaas oo uu dhaawac ka soo gaaray Askari ka mid ah ilaalada Kantoraalka.

Ciidamada ayaa si haleel ah u toogtay Haweenayda waxa ayna baaritaan ku hayaan maydkeeda.

Saraakiisha laamaha amniga degmada Baardheere oo la hadlay Jubbaland TV ayaa xaqiijiyay in ilaa iyo hadda Maydka Haweenayda laga helay walxaha qarxa iyo iyo lambar sireedkeed,waxa ayna sheegeen in ay dhawaan warbaahinta la wadaagi doonaan waxii ka soo baxa baaritaanka.

Goordhow ka daawo Jubbaland TV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here