Makah: Martida Ilaahey oo gudanaya rukniga ugu weyn acmaasha Xajka

0
101

In ka badan Laba Miliyan oo Muslimiin ah ayaa maata u dhaqaaqay deegaanka Mina si ay ugu gutaan mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan gudashada acmaasha Xajka.

Muslimiinta maanta taagan banka carrafo ayaa waxaa ka mid ah kummanaan Soomaali ah oo iskaga kala yimid deegaanada kala duwan ee dalka.

Madaxa arrimaha Xajka ahna duqa magaalada Barakeysan Maka ayaa wakaaladda dalkaasi sacuudi arabia u xaqiiijiyay tira sanadkaan soo gaadhay Xajka waxa uuna sheegay in ay tira ahaan gaarayaan Laba Malyan
91 Kun 471 oo Xujey.

Waxa uu intaa ku daray in ay tira ahaan kabadan karaan marka lagu daro dadka ka yimaaday gudaha magaalada Makah,waxaana Gudaha sacuudiga sanadkaan ka xajiyay 2000 iyo 360 Xujey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here