Qaza: Labo Falastiiniyiin ah oo ku dhintay duqeynta Ciidmada Isra’il

0
96

Ciidamada Isra’il ayaa sheegay in ay dileen aroornimadii hore ee saaka tira ka mid ah falastiiniyiinta ka dib markii uu dagaal ku dhex maray meel u dhow xuduuda Bari ee marinka Qaza.

Isra’il ayaa sheegtay dadka la dilay ay ku hubeysnaayeen quryaha Kalashnikovs,bam-gacmeedyo iyo madaafiicda RPG, waxa ayna intaas ku dareen in ay rasaas huwiyeen ka dib markii ay isku dayeen in ay ka soo gudbaan xuduuda.

Dhanka kale Falastiiniinta ayaa sheegay in saaka aroortii ciidanka Isra’il ay duqeeyeen xafiis ay lahayd Xamaas kaas oo taabacsanaa Wasaaradda arrimaha gudaha falastiiniyiinta balse cidi aysan waxba ku noqon.

Xoogagga Xamaas wax war ah kama soo saarin hadalka ka soo yeeray Isra’il walow la xaqiijiyay dhimashada laba falastiniyiin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here