Xiisad colaadeed oo wali ka taagan gobolka Kashmiir

0
41

Dowladda Hindiya ayaa howlgallo kale oo militari kusoo rogtay gobolka Kashmiir xilli muslimiinta gobolkaas ay maalintii labaad u dabaaldeggayaan munaasabadda Ciidda Carafa.

Ciidamo badan ayaa ku sugan waddooyinka magaalada caasimadda u ah gobolkaas ee Srinagar,waxaana weli maqan isgaarsiinta magaaladaas in ka badan muddo toddoobaad ah.

Kumanaan ka mid ah ciidammada Millitariga ee Hindiya ayaa waxay howlgallo ka wadaan gobolka.

Howlgallada Hindiya ay ka waddo gobolka Kashmiir ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ballaaran kaddib markii ay gobolkaas kala noqotay aqoonsigii gaarka ahaa ay u heysay Kashmiir, boqolaal qof ayaa la xiray oo ay kamid yihiin siyaasiyiin kasoo jeedo halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here