Ururada Bulshada Jubbaland oo soo dhaweeyay doorashadii guddoonka Baarlamaanka Labaad

0
194

Ururada Bulshada deegaanka Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ayaa iskugu yimaaday kulan lagu taageerayay gudoonka Baarlamaanka labaad ee Jubbaland kaas maalinimadii shalay lagu doortay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Waxa ay guud ahaan bulshada Jubbaland ugu baaqeen in ay ilaashadaan nadada iyo amniga ay haystaan islamarkaana ay meel uga soo wada jeedsadaan cadowga Jubbaland.

Sidoo kale dadweynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa aragtidoo ka dhiibtay doorashadii shalay ka dhacday Kismaayo waxa ayna sheegeen in ay soo dhaweynayaan guddoonka Cusub ee loo doortay Baarlamaanka Jubbaland.

Magaalada Kismaayo waxaa dhawaan la filayaa in ay ka dhacdo doorashada madaxweynanimo taas oo ay ilaa hadda ku loolami doonaan 7 Musharax oo ah kuwa is diiwaan galiyay walow ay guddiga doorashadu waqti ku dareen is diiwaangalinta Musharaxiinta taas fursad kale siinaysa siyaasiyiinta uu damacu uga jiro in ay hantiyaan kursiga madaxtinimada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here