Hadal jeedinta Musharaxiinta Jubbaland oo ka dhacday Kismaayo

0
241

Musharaxiinta u tartamaya Madaxeynanimada Jubbaland ayaa maanta khudbad ka horjeediyay Baarlamaanka Labaad ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Tirada Musharaxiinta ay Liiiskooda soo gudbiyeen guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland islama markaana maanta ka qayn qaatya hadal jeedinta ayaa ka koobna ilaa Afar Musharax oo kala ah:-
1. Axmed Maxamed Islaam
2. Canab Maxamed Daahir
3. Maxamed Cumar Geedi
4. Maxamuud Maxamed Cumar

Ammaanka goobta ay hadal jeedintu ka dhacaysay ayaa aad loo adkeeyay waxaana Hoolka ku sugnaa xuno ka socda labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo maalmahanba u jooga Kismaayo arrimaha la xiriira xaqiiqa raadinta hanaanka doorashooyinka Jubbaland.

Musharaxiinta ayaa soo bandhigay waxyaabaha ay qaban dooonan hadiii ay ku guuleystaan qabashada xilka ugu sareeya ee madaxtinimada Jubbaland,waxaana ka mid ahaa qodoabadii ay ka hadleen arrimaha Amniga dhaqaalaha Siyaasadda iyo xiriirka dowladda iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

Madaxweynaha talada haya Axmed Maxamed Islaam ahna musharax Madaxweynimo ayaa ku dheeraaday waxyaabihii u qabsoomay mudadii ay Jubbaland Jirtay.

Mudane Axmed ayaa sheegay in xukuumadiisa cusub ay ka shaqayn doonto xoreynta deegaanada ka maqan Jubbaland maadaama aysan jirin cid horey ugu cawisay qabashada deegaanadaas,waxa uuna sheegay in iyagoo isku tashanayaa ay ka shaqayn doonaan deegaanada ay gacanta ku hayaan cadowga Soomaaliyeed taas oo ay ugu horeyso Caasimadda Jubbaland ee Bu;aale.

Gabagabadii maalinta Khamiista ah ee fooda inagu soo heysa taarikhdun ay ku beegantahay 22/8/2019 ayaa la filayaa in qabsoonto doorashada madaxweynanimada Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here