Xarun lagu dhaqan celiyo Haweenka ka soo baxa AL shabaab oo Kismaayo laga dhagax dhigay

0
64

Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda amniga Jubbaland,gudoomiyaha gobolka Jubadda Hoose iyo gudoomiye ku xigeenka degmadda Kismaayo ee dhanka amniga,ayaa maanta si wada jir ah waxa ay u dhagax dhigeen xarun lagu dhaqan celiyo haweenka iskood uga soo baxaaya Malleeshiyaadka Al-Shabaab  .

Xaruntaani ayaa waxa gacan ka geesanaya hirgalinteeda Wasaaradda amniga Jubbaland oo gacan ka helaysa  Hey’adaha IOM iyo GIZ.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Kismaayo  dhanka amniga iyo gudoomiyaha gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sharaxaad ka bixiyeen xaruntaani iyo waxa loogu tala galay iyagoona u mahadceliyay cid walboo gacan ka geysanaysa hirgalinteeda.

Agaasimaha Wasaaradda amniga Jubbaland Nuur Shaafi Cabdullaahi ayaa u mahdceliyay hey’adaha dhisaya xaruntaani dib loogu dhaqan celinaayo haweenka ka soo baxaya Alshabaab.

Sidoo kale xaruntaani kaliya ma ahee waxa jira xarun lagu dhaqan celiyo raga kasoo baxaya Al-Shaabaab waxayna dhiiri galin buuxda u tahay dhalinta Al-shabaab ay qaladay marki ay ka soo goosteen inay heli karaan goobo dib wax loogu baro islamarkaasina ay ugu adegaaan dalkooda iyo dadkooda dhaqanka suuban ee dawladnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here