Kismaayo: Ardey ka qalinjabisay sanad dugsiyeedka 2018/2019 oo u fariistay Imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda

0
30

50 ka mid ah Ardeydii sanad dugsiyeedka 2018/2019 ka soo qalin jabisay Dugsiyada Sare ee Jubbaland ayaa maanta Jaamacadda Jubba ee magaalada Kismaayo waxa ay u fariisisay Imtixaan lagu ogaanayo heerka Aqoonta Ardeyga.

Ardeydaan maanta u fariisatay imtixaanka aqbalaadda Jaamacadda Jubba ayaa ka soo qalin jabiyay dugsiyada Sare ee ku yaalla degmooyinka Jubbaland gaar ahaan degmada Kismaayo.

Qaar ka mid ah Ardeydii imtixaanka gashay oo la hadlay Jubbaland TV ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin ka mid noqoshada ardeyda Jaamacadda Jubba ee magaalada Kismayo.

Cabdiraxmaan Aadan Xuseen maamulaha Jaamacada Jubba ayaa shegay in Jaamacadda Jubba ay xilli walbo soo dhoweyneyso Ardayda ka qalin jabineyso dugsiyada Sare ee  Jubbaland iyo guud ahaan cid walbo oo Jecel Waxbarashada.

Jaamacada Jubba ayaa kamid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah Jubbaland .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here