Kismaayo: Kulan looga hadlayay nadaafadda magaalada oo la qabtay

0
33

Wasaaradda Deegaanka iyo Dalxiiska Dolwad Goboleedka Jubbaland ayaa soo qaban qaabisey shir weyne looga hadlayay nadaafadda deegaanka waxaana ka soo qayb galay maamulka Degmada Kismaayo iyo xubno ka socday Hay’adaha maxaliga ah ee ka shaqeeya ilaalinta arrimaha Deegaanka.

Shirkaan ayaa intiisa badan looga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa dhowrista deegaanka iyo sidii wacyi galin ku aadan muhiimada bay’ada wanaagsan gaar ahaan ilaalinta nadaafadda loogu sameyn lahaa bulshada Jubbalan

Gudoomiyaha degamada Kismaayo Ibraahim Maxamed Yuusuf oo shirka goobjoog ahaa ayaa sharaxay si ugu haboon ee looga shaqayn karo arrimaha nadaafadda magaalada waxa uuna ugu baaqay bulshada in ay ka shaqeeyaan nadaafadda goobahooda ganacsi iyo waliba guryahooda.

Caydiid Saleebaan Xaashi Wasiirka Wasaaradda Deegaan iyo Dalxiiska Jubbaland ayaa ka war bixiyey qorshayaasha Wasaaradda ee arrimaha deegaanka Jubbaland gaar ahaana magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here