Kismaayo: waax ka tirsan xaafadda Calanley oo ka cabanaya dhibaato dhanka bacaadka ah

0
40

Waaxda Buula-Bacaad ee xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka taagan dhibaato dhanka bacaadka ah,sida ay sheegeen dadka xaafadda,waxaana jira Guryo laga guuray ka dib markii uu soo galay bacaad badan waana dhibaato soo wajahday dadka deegaanka.

Dadka ay dhibaatadani saameesay ayaa waxaa ku jira kuwa danyar ah oo aan awoodin in ay iska fogeeyaan bacaadkan waxaana ay Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan maamulka degmada Kismaayo ka codsadeen in ay wax ka qabtaan dhibaatadan soo food saartay shacabka Buula-Bacaad ee xaafadda Calanley.

Jubbaland TV oo saaka booqday xaafaddaasi ayaa dadka deegaanku u sheegeen in ay dhibaato badan ku qabaan bacaadkan iyagoona u cadeeyay in ay jiraan guryo looga guuray sababta bacaadkaas.

Dhan ka kale gudoomiyaha Xaafadda Buulo-Bacaad gaar ahaan ayaa dhankiisa ka hadlay waxa uuna sheegay in dhibaatadaan sameeyn badan ka gaartay dadka danyarta ah  hayeeshee Dawlad Gobaleedka Jubbaland laga sugayo in xal laga gaaro saameynta  bacaadkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here