Roob xalay ka da’ay magaalada Baladweyne oo hakad geliyay duullimaadyada rayidka ee garoonka Ugaas Khaliif

0
23

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa xalay ka da’ay roob lixaad leh oo dhowr saacadood socday.

Roobka oo biya dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada ayaa sidoo kale hakad geliyay howlihii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne.

Dhabbaha ay dayuuradaha ku cararaan oo dhismo ahaan liita ayaysan suuragal ahayn in ay caga dhigtaan diyaaradaha rayidka xilliyada ay roobabka ka da’aan magaalada.

Shirkadaha duullimaadyada maxalliga ah oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in maanta iyo maalmaha soo socda laga yaabo in aysan garoonka ka degin diyaaradaha rakaabka qaada, marka laga reebo dayuuradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaanno oo ay isticmaalaan inta badan ciidamada nabad-ilaalinta AMISOM iyo mas’uuliyiinta dowladda.

Xilliyada ay roobabku ka da’aan magaalada Baladweyne oo sababa in uu garoonku xirmo ayay dadweynaha doonaya in ay u soo safraan magaalada Muqdisho waxa ay safar dhulka ah ku tagaan magaalada Gu-ceel ee gobolka Galgaduud si ay Muqdisho ugu soo dhoofaan.

Ballanqaadyo badan oo ay sameeyeen maamulka Baladweyn iyo kan HirShabeelle in ay ku hagaajinayaan garoonka ayaanan wali suura galin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here