Xuska maalinta Macaliminta aduunka oo kismaayo lagu qabtay

0
24

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland ayaa soo qabanqaabisay munaasabad lagu xusayay maalinta macalimiinta Aduunka waxaana kasoo qeyb galay Macalimiin,Dalladaha waxbarashada,Ardey iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Munaasadaan oo qabsoontay galinkii danbe ee shalay ayaa ujeedku ahaa sidii loo abaabuli lahaa loona taageeri lahaa macalimiinta u dhabar adaygay maraxaladihii kala duwanaa ee ay ku soo shaqeeyeen.

Maalinta Macalimiinta Aduunka ee “ World Teachers’ Day” ayaa waxaa  markii ugu horeysay la xusay 5 bishii October ee sanadkii 1994, iyadoona ay isku yimada Ururada Macalimiinta Aduunka, waxaana ujeeda ay aheed in la isku Abaabulo, lana taageeri macalimiinta iyo sidii loo xaqiijin lahaa dhalinyada Mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here