Howlgallo lagu laayay Al shabaab oo ka dhacay Cabdalla Biroole

0
43

DEG DEG: Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo qorshaysan ka sameeyay Tuulooyin hoos yimaada deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55KM dhanka bari kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Howlgaladaan oo ahaa kuwa qorshaysan ayaa ciidmada Daraawiishta Jubbaland waxa ay ku dileen ku dhawaad 20 ka tirsan Malleeshiyaadka Argagixisada Al-shabaab.

Sida uu Jubbaland TV-ga u sheegay Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed waxaa Malleeshiyaadkan lagu dilay howlgalka ka mid ahaa madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deeganada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi jiray Tasmiir iyo Cadaani kuwaas oo ay Ciidamada Jubbaland ay muddo ku raad joogeen.

Ciidamada Daraawiiishta Jubbaland ayaa hadda gacanta ku haya islmarkaana xaqiijiyay amaanka Tuulooyinka hoos yimaada deegaanka Cabdalla Biroole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here