Wafdi iskugu jira Wasiiro,Xildhibaanno oo kormeer ku tagay Cabdalla Biroole

0
32

Wafdi iskugu jira Wasiiro,Xildhibaano,Senatorro ka socda Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS ayaa kormeer shaqo ku tagay deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo gaar ahaan deegaanka Cabdalla Biroole.

wafdigan ayaa ka kobnaa Wasiirada Xanaanada Xoolaha  iyo Cadaaladda Dowlad Goboleedka Jubbaland,Xildhibaanno ka socday Gollaha Wakiilada Jubbaland iyo Senator Iftiin Xassan Baasto oo ka mid ah xubnaha Jubbaland ku matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS.

Wafdigan oo sii maray deegaanada u dhaxeeya Cabdalla Biroole Kismaayo ayaa markii ay gaareen halkaasi waxa soo dhawaynta ka dib kulan la qaateen dadka degaanka iyagoo halkaas kaga dhageystay cabashooyinka ay qabaan.

Wasaaradda Cadaaladda,Garsoorka iyo arrimaha Diinta Jubbaland ayaa wada qorshe ay deegaanada Galbeed uga hirgalin lahayd adeegga garsoorka halka Wasaaradda Xanaaada Xoolaha ay halkaas geysay Mashruuca daaweyta Xoolaha oo dhawaan laga hirgaliyay Jubbaland.

Guddoomiyaha Deegaanka Cabdalla Biroole  Mahad Nuur Ibraahim  soo dhaweeyay Wafdiga ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladda deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here