Shir looga hadlayo Mashruuca biyo galinta oo lagu qabtay Kismaayo

0
52

Wasaaradda Macdanta,Tamarta iyo Biyaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku  qabatay shir looga hadlayo qorshaha Mashruuca qabyada ah ee biya galinta magaalada Kismaayo.

Waxaa ka soo qayb galay  Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland, masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, gudoomiyaha gobalka Jubbada Hoose, Runta ganacsiga, xubno mataliyey Wasaaradaha Jubbaland iyo qaar kamid ah hay’adaha ka howlgala magaalada Kismaayo.

Wasaaradda Biyaha Jubbaland ayaa intii shirku socday soo bandhigtay qorshaha biyaha looga soo jiidayo deegaanka Yoontay ee uu maro wabiga Jubba halkaasi oo xilligii dowladdii dhexe ay magaalada Kismaayo biyaha ka heli jirtay, waxaana wasaaraddu sheegtay in qorshaha biyaha deegaanka yoontay oo soo maray heerarka kala duwan uu hadda marayo wajiyadii ugu dambeeyey.

Goddoomiyaha gobalka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cali Gooni iyo gudoomiyaha Runta Ganacsiga Jubbaland oo shirka goobjoog ahaa ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in magaalada Kismaayo hesho biyo nadiif ah oo qiimo jaban.

Madaxwayne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Siyid Aadan ayaa bogaadiyey dadaalka ay wasaaraddu ku bixisay mashruucan bayo-galinta wabbiga Jubba kaasi oo bulshada muhiim u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here