DEG DEG: Horjooge Shabaab ah oo lagu dilay Gobolka Jubbada Hoose

0
43

Ciidanka ammaanka Jubbaland oo hawlgallo ka sameeyay galbeedka magaalada Kismayo kuna dilay horjoogayaal ka mid ah Malleeshiyaadka Argagixisada Al shabaab.

Ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa hawlgallo ka sameeyay galbeedka Gobolka Jubadda Hoose gaar ahaan aaga deegaanka Beerxaani waxaana halkaas lagu dilay shan kamid ah kooxda Argagixisadda Al-Shabaab.

Madaxii Maaliyadda ee deeganada Miyiga Al-Shabaab u qaabilsanaa oo magac afgarashadiisu yahay Cali lagu dilay howlgalkaas sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la soo xiriiray JubbalandTV.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here