Lampard: waan ku faraxsanhay in aan racfaan ka qaadano xannibaadii suuqa kala iibsiga ciyaartooyda

0
14

Frank Lampard oo ah tababaraha kooxda Chelsea ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in Chelsea ay racfaan ka qaadato ganaaxii FIFA ay saartay kooxda ee ku saabsanaa suuqa kala iibisiga cayaarooyda.

Kooxda Premier League-ga ka cayaarta ayaa laga ganaaxay soo iibsashada xidigaha cusub muddo laba xilli suuqa ah, ganaaxan ayaa ahaa in kooxdu ay ku xadgudubtay hanaanka diiwaangelinta ciyaartooyda da’doodu ay ka yartahay 18 sanno oo si qaldan kooxdu u maareysay.

Chelsea ayaa racfaan ka qaadatay xannibaadaas ay FIFA saartay , inkastoo weli aysan awood u laheyn soo iibsashada cayaartooy waaweyn.

Hadda waxaa loo ogolyayhay oo kaliya ina soo iibsan karaan cayaaryannada da’doodu tahay 16 , laakiin kooxda ayaa ku dhawaaqday in ay damacsantahay in kiiska ay hor-dhigaan maxkamadda xallinta khliaafaadka ciyaaraha, iyadoo dhageysiga dacwadda loo heysto Chelsea loo ballansanyahay Nofeembar 20-keeda.

Macallinka Chelsea Lampard ayaa sheegay in hadda xannibaadaas aysan saameyn muuqata ku yeelan , maadaama uu akadeemiyadda kooxda ay kasoo baxeen saddexda laacib ee kala ah : Tammy Abraham, Mason Mount iyo Fikayo Tomori oo hadda ka cayaaraya safka hore ee kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here