Wabiga Shabeelle oo fatahaado hor leh ka geystay Shabeellaha Dhexe

0
18

Saacadihii la soo dhaafay wabiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka sameeyey agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Fatahaadda ayaa lagu soo warramayaa in ay saameysay dhul beereed aad u ballaaran uu ku yaalla halkaasi, dadka deegaanka ayaa iyaguna billaabay in ay barakacaan.

Deegaanada uu ku fatahay wabiga waxaa ka mid ah Xawadleey, Jameeco Misro, Farbarako, Muku Dhere, Raqayle iyo Daymosame.

Xaalad adag ayaa laga soo sheegayaa deegaannada ay fatahaaduhu saameeyeen, dadweynaha halkaa ku nool oo u badan dad beeraleey ah ayaa codsanaya in lala gaaro gargaar degdeg ah.

Wabiga Shabelele oo horay fatahaad xoog leh uga geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayey ku barakaceen dad fara badan.

Sidoo kale wabigan ayaa fatahaad ka sameeyey dhinaca degmada Mahadaay ee isla gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dadka ay saameeyeen fatahaadaha oo aad u badan ayaa weli u baahaan gurmad deg deg ah, waxaana dowladdu ay sheegtay in maanta diyaarado sida gargaar ay u direyso magaalooyinka Beledweyne, Bardaale iyo Baardheere oo ka mid ah meelaha ugu daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here